Lacagta telefiishanka ee laga soo ururiyo kuwa isticmaalaya telefiishanka waxay hubisaa tayo sare iyo tiiro adeegsi badan leh oo mawduucyo ah oo ka baxa Shirkada Warbaahinta ee Finishka ah Ltd's (YLE) kanalada. Kirada telefiishanku waxay caawisaa hawlgalada iyo barnaamijka ku-talogalka ee YLE's. Dhamaan wadamada nordiga ah iyo ku dhawaad dhamaan wadamada Yurubta Galbeed waxay maalgaliyaan raadiyowyada dadwaynaha iyo adeegyada telefiishanka iyagoo usii marinaya kirada telefiishanka. Finland waa meesha lacagta ugu yar laga qaado telefiishanka ee Wadamada Nordiga ah.
Findland dhexdeeda, lacagta telefiishanka waa in labixiyo mar ala markuu qoysku heli karo oo uu daawan karo warbaahinta laga soo saaray Finland ama wadamada kale qaarkood. Warbaahinta waxa laga daawan karaa telefiishan si dagdag ah u shaqeeya ama telefiishan ku qalabaysan oo leh sanduuq adapter leh oo lambaro wata. Intaa waxa dheer, waa la daawan karaa adigoo isticmaalaya soo-qabtaha satalaytka, talefonka gacanta ama kombuyuutar. Wax micno ah masamaynayso in loo sameeyo warbaahinta si isu ekaansho ah ama number ahaan. Tusaale ahaan, sharikadaha kaybalka qaarkood ayaa weli warka ku sii daaya habkii analooga ahaa.
Isticmaalka telefiishanka waa in la diwaan galiyaa adigoo u gudbinaya ogaysiinta telefiishanka Xafiiska Nidaaminta Xidhiidhka Finnishka “Finnish Communications Regulatory Authority”. Iyadoo ku tacaluqda ogaysiinta, kuwa masuuliyiinta ka ahi waxay xisaabin doonaan telefiishan isticmaalaha kirada telefiishanka. Ogaysiiska waa in la bixiyaa intaan la isticmaalin telefiishanka oo waa in la gudbiyaa iyadoon loo eegayn inta warbaahineed ee la helay, ama inta telefiishan ama inta kana lee aad daawatay.
Ogaysiinta kirada telefiishan cusub, isbadalka kirada telefiishanka ama gabagabaynta isticmaal telefiishan waxa lagu ogaysiin karaa foomka xiriirsan (online ka ah), foom laga heli karo xafiiska boosteejada ama adigoo wacaya adeega macmiilkayaga. Kirada telefiishanka sidoo kale waxa lagu bixin karaa hab lacag kajaris toos ah ama habka eInvoice. Labada dariiqo lacag bixineedba way ka madax banaan yihiin xisaabinta (ku dalacista) bangiyada. Kirada telefiishanka ee sanadkii waa
EUR 231.05. lacagta telefiishanka sidoo kale waxa loo bixin karaa laba qaybood (midkiiba 6 bilood) (EUR 116,25), afar qaybood (sadex bilood oo kasta) (EUR 58.80) ama bishiiba mar (EUR 19.95).
Ogaysiiska telefiishanku wuxuu ansax noqonayaa markuu soo gaadho Xafiiska Nidaaminta Xidhiidhka Finnishka Sidoo kale waad faahfaahin kartaa taariikhda aad bilowday inaad isticmaasho telefiishanka. Waajibaadka lacag bixinta ee telefiishanku way soconaysaa ilaa ay masuuliyiintu hesho ogaysiis ah inaan telefiishanka aan la isticmaalaynin.
Hadii aad ogaysiisay taariikhdaada dhalasho iyo lambarka qarsoon ee IDga Xafiiska Nidaaminta Xidhiidhka Finnishka, uma baahnid inaad samayso wax ogaysiis gaara ah oo kusaabsan badalka cinwaankaaga ama magacaaga. Isbadaladan waxa si habsami ah looga hagaajin doonaa habka diwaanka dadwaynaha. Sikasta ha ahaatee, hadii badalka cinwaankaagu uu yahay kumeel gaadh, haddii uu isbedelo cinwaanka biilku ama goobta talefishanku ka duwanaato cinwaanka biilka, fadlan soo ogeysii Xafiiska arrintaas.
Qoyskiiba hal kiro oo telefiishan ayaa ku filan, xitaa hadii qaybo telefiishano ah oo isku mida lagu isticmaalo gurigiiba. Cariish xagaa, rimoodho ama sida meelaha kumeelgaadhka ah loo isticmaalo uma baahna kiro gooni ah. Qoys waxa layidhaahdaa inta iyagu wada nool ama wadaaga guri, wadaaga arimaha gudaha ee guriga ama is qaba, sidoo kale caruurta iyo qaraabada kuwaasoo si joogta ah ugu nool guri isku mid ah.
Sikasta ha ahaatee, dhisme labaad oo loo isticmaalo shaqo ama waxbarasho waxay u baahantahay ogaysiis telefiishan oo gaar ah. Guriga uu kunool yahay hal qof, hal kiro ayaa kufilan hadii qofka dagani uu kabaxo qof kale ma isticmaalayo. Meelaha loo fududeeyay ee ardaydu dagantahay, qolalka yaryar ee dhismaha ama guryaha adeega, hal kiro oo telefiishan ayaa ku filan. Si kasta ha ahaatee, isticmaalka telefiishan ee qolalka dhulka deegaanka gaarka ah ee qofka daganaha ahi leeyahay ama dhismayaasha, kiro gooni ah waa in labixiyaa.
Shirkadaha iyo iskaashatooyinku waa inay bixiyaan kiro meelkasta oo gaara oo ganacsi. Kiradu sidoo kale waxay daboolaysaa isticmaalka kumeel gaadhka ah ee telefiishanka, tusaale ahaan, wakhtiga bandhiga.
Xafiiska Nidaaminta Xidhiidhka Finnishka waxay hubisaa in dhamaan iticmaalayaasha telefiishanku ay soo gudbiyeen ogaysiiska telefiishanka. Sida joogtada ah, kormeerayaasha kirada telefiishanka ee dalka oo dhan ayaa booqda guryaha, iyadoo loo eegayo diwaanka isticmaalaha ee telefiishanka, ee aan bixin ogaysiiska telefiishanka. Hadii telefiishanka la isticmaalo iyadoo aan lasoo gudbinin ogaysiis, xafiisku wuxu qaadi doonaa ganaax waafaqsan sharciga yaala. Intaa waxa dheer, kiro telefiishan oo laba jibaara ayaa laxisaabin doonaa oo dib u eegis ah wakhti kasta oo kamida wakhtigii telefiishanka loo isticmaalay si aan sharci ahayn.
Kirada telefiishanka waxa sal u ah xeerka Telefiishanka qaranka iyo maal galinta Radiyowga. Kirada waxa lagu cadeeyaa Qaraar Gudi qaran. Hadii aad hayso wax su’aalo ah oo laxidhiidha nidaamyada kirada ee telefiishanka iyo waajibaadka aad ku bixinayso lacagta telefiishanka, fadlan la xidhiidh Xafiiska Nidaaminta Xidhiidhka Finnishka talefishankooda kirada adeega macmiilka wac/garaac 09 613 161.